Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize

0
472

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed aya lagu soo waramayaa in uu ku guulaystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize oo ay ku tartamayeen shakhsiyaad can ah oo ay ku jirto Gabar Soomaali ah.

In kasta oo wli si rasmi ah aan loogu dhawaaqin in ra’iisul-Wasaaraha Itoobiya  Abiy Axmeay uu ku guulaystay ayaa hadana waxaa arrintaa lagu daabacay wakaalado caalami ah,Sababta ugu weyn ee guusha Abiy Axmed  ayaa la sheegayaa in ay tahay heshiiskii nabadda ee uu la gaaray  Eritrea oo colaadi waqti dheer ay kala dhaxeysay Itoobiya.

Abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize waxaa Ra’iisul-wasaaraha Itobiya kula tartantay Ilwaada Elman oo ah gabar Soomaali ah oo u doodad xuquuqda Aadanaha iyo Hajer Shariif oo ah gabar u dhalatay Liibiya kana shaqeeysa arrimaha bini’aadinimada.

Hay’ad caalami ah oo laga leeyahay Norway ayaa horay saadaalin ay sameysay ugu sheegtay in ay ku guulaysan karto billaddaan Ilwaad in kasta oo aysan ku guulaysan.