Wafdi ka socda dowladda oo kulamo la leh Madaxweyne Dani

0
552

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Wafti ka socda dowladda  Federaalka oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirada maanta ay gaareen Magaaladaasi.

Wafdiggaan ayaa u tagay Magaalada Boosaaso dhameynta Khilaafka ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo gaaray heer aysan kasoo qeyb galin Shirarka dowladda.

Waftigaan ka socda Federaalka oo  dhamaantood Puntland ka soo jeeda ayaa kulan la leh  Madaxweyne Dani si ay uga dhaadhiciyaan la shaqeynta dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Dani ayaa ku shaqeynaayay maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Boosaso.