Somaliland oo ka jawaabtay dalabka Korneel Caare

0
542

Xukuumada somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Kornaylka hogaamiyaha Jabhada ku sugan gobolka Sanaag ee Caarre.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland Boos Mire Maxamed ayaa difaacay go’aanka madaxweynaha somaliland ka qaatay cafiska ciidamada la socda Kornayl Caarre iyo shuruuda uu ku xidhay hogaamiyaha jabhada.

“Madaxweynuhu beel dhan ayuu la kulmay oo saladiinteedii, odayaasheedii iyo waxgaradkeedii waad arkayseen oo meel lagu kala maqnaa may ahayn, waxaana la gudoonsaday nabad galyo, madaxweynuhuna wuxuu awooda u lahaa sharciyan inuu cafiyo halkii ayuu kaga dhawaaqay wixii kalana in laga wada arinsado oo sida ugu dhaw loo xaliyo ayuu sheegay, waana lala wada qaatay dhibaatooyinkaasina mudo ayey soo jiitameen sidaas loo wada qaatay ayaanay ku dhamaanaysaa.”ayuu yiri wasiir Boos Mire.

Wasiir Boos Mire oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Caare waa inan ka mid ah inamadeena markii uu yidhi ima mataalan madax dhaqameedkaasi dadkii meesha marayey malaa waa la kala yaqaanaa umadee way cadahay inay matalaan.”