Itoobiya oo gacanta ku dhigtay Gaari lagala baxsaday Soomaaliland

0
548

Hay’adaha Ammaanka Dowladda Itoobiya oo garab ka helaya kuwa Soomaaliland ayaa gacanta ku dhigay Gaari booyad ah oo lagala baxsaday deegaannada Soomaaliland,isla markaana lala aaday deegaano ka tirsan Itoobiya.

Gaariga booyada ah ayaa la sheegay in uu la baxsaday Nin kamid ah Oromada dalka Itoobiya kaas oo gacan yare u ahaa Darawalka Booyada,hayeeshee gacanta lagu soo dhigey xilli uu ku haayey deegaanka Faraweyne ee dowlad deegaanka Soomaalida.

“waxa ilaahay mahadii ah in ay dawlada Ethiopia iyo somaliland gaar ahaan degmada faraweyne , harshin, iyo harta sheekha ay labadii cishe u dambeeyey ku hawlanaayeen sidii loo soo qaban lahaa booyad lagala soo baxsaday Somaliland aan gacamnta kusoo dhigno kuna wareejino qofkii lahaay ayuu yiri”  Guddoomiye kuxigeenka deegaanka  Faraweyne Maxamed Xasan Gudoomiye.

Gaariga booyada ah ayaa waxaa lahaa Ganacsade kazoo jeeda deegaannada Soomaaliland,kaas oo lagu Magacaabo Ibraahim Muuse Barre,waxaana maalmihii la soo dhaafay uu ku howlanaa sidii uu ku heli lahaa Gaarigiisa,hayeeshee ugu dambeyn lagu guuleystay in loo keeno.

Horay ayaa sidaan oo kale waxaa u jirtay in gaari laga soo baxsaday deegaannada Puntland la egeyo Soomaaliland,hayeeshee ugu dambeyn Ciidamada Soomaaliland ay gacanta ku dhigeen Gawaaridaas,isla markaana ay ku wareejiyaan dadkii lahaa.