Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah inay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo uu wehlinayo dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud.
Wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku sugan Muqdisho ayaa sugaya Guddoomiyaha Baarlamanaka Jabuuti oo saaka ka imaanaya dalkaasi jabuuti si ay u tagaan Magalada Baydhabo.
U jeedada wafdiga ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay inay ka qeyb-geli doonaan furitaanka kal-fadhiga 5aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed oo ah kii ugu dambeeyey,kaas oo furmaya Maalinta berito oo Talaado ah.
Sidoo kale wafdigaan ayaa inta ay ku sugan yihiin Magalada Baydhabo waxaa ay kulamo kala duwna la qaadan doonaan Madaxda ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed,Xubnaha Golaha Wasiirada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Baydhabo.
Qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo dhaweynayo wafdiga ka socda Dowladda Federaalka Soomalaiya iyo Dowladda Jabuuti ayaa laga dareemayaa gudaha Magalada Baydhabo, iyada oo aamniga weyn Maanta loo adkeeyey.