Madaxa Xukumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Magalada Dhuusamareb ka Dhagax-dhigay Dhismaha ay ku shaqeyn doonaan Guddiga Madaxa bannaan Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya qeybta Galmudug
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Galmudug Cabdi Risaaq Diiriye Warsame ayaa Madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan uga mahad celiyay sida uu Guddiga ugu suurta galiyay in Guddiga Doorashooyinka ay heleen dhul uu leeyahay.
Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa umahad celiyay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil sida ay ugu taagan tahay u adeega Bulshada Soomaaliyeed.