Wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaais uu ka socdo dagaal u dhaxeeyay Ciidamada AMIOSM gaar ahaan kuwa Jabuuti & Ciidamada Maamulka degmadaas.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maamulka degmada Jalalaqsi ay diideen in hawada laga saaro lana demiyo Xarunta shirkadda Hormuud ee degmadaasi taas oo subax walba la demin jiray,kaidbna ay howlo mina baaris ah ay ciidamada Jabuuti sameyn jireen.
Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo kuwa Maamulka degmada Jalalaqsi.
Dagaalka Maanta ka socda degmada Jalalaqsi ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay uu jiray khilaaf u dhaxeeyay Ciidamada Jabuuti iyo Maamulka degmada,waaana dadka deegaanka ay sheegeen in rasaas goos goos ah ay maqlayaan.