Ciidamo dhaq dhaqaaqyo ka wada deegaano katirsan Mudug

0
582

Wararka laga helayo tuulooyin hoostaga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayan  in halkaasi saakay ilaa xalay ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa deegaanka Camaara gaaray Ciidamo uu horkacayay Taliyaha Qaybta 21-aad ee xoogga dalka Gen: “Qooje”, iyaga oo howlgallo qorsheysan ka fuliyey Gudaha deegaanka Camaara.

Hayeeshee wararka aan saakay heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamadu ay saakay howlgallo kala ka wadaan daafaha deegaanka.

Taliyaha Qaybta 21-aad ee xoogga dalka Gen: “Qooje” oo la hadley Shacabka degaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa  u sheegey in Ciidamadu ay horay u sii socon doonaan Qorshuhuna yahay in la gaaro dhamaanba deeganada kale ee aan xorta Aheyn.

Deegaano ka tirsan gobolada Mudug & Galgaduud ayaa waxaa ku xoogan xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda ee deegaannada Galmudug ay sheegeen inay ka saari doonaan.