Waqtiga uu Furmayo Kalfadhiga Golaha Shacabka oo la shaaciyay

0
524

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyey in Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka uu furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota oo ay Taariikhda ku beegan tahay 09ka October 2019.

Qoraal uusoo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiisay Warbaahinta ayaa lagu faray xildhibaannada iney deg deg dalka ugu soo laabtaan