SAWIRO:-Kulamo lagu xoojinayay heshiisiinta beelo dagaalamay

0
581

Madaxa Xukumadda Galmudug  Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Dagmada Guriceel uga qeyb-galay kulan lagu xoojinayay isdhexgalka Bulshada Dagmooyinka Balambal iyo Guriceel,kuwaas oo horay dagaalo u dhex-mareen.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Xildhibaano ka kala tirsan Aqalka sare iyo kan hoose Barlamanka Soomaaliya Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo qeybaha kala duwan bulshada Balambal iyo Guriceel

Madaxa Xukumadda Galmudug  Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo Bulshada labada dhinac ku amaanay juhdigii ay galiyeen sidii loo damin lahaay Colaada mudada kataagneed Deegaano hoos yimaada Dagmada Balambal ee Gobalka Galgaduud

Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukumadda Galmudug ayaa isbuucyo kahor faray Saraakiisha amaanka in xal nabadeed ka keenaan Colaada mudada kataagneed Deegaanada hoos yimaada Dagmada Balambal, waxaana saraakiisha Ciidamada qalabka sida ay guuleysteen in Colaada halkaa jirtay ay hakiyaan Hishiisna ay dhaxdhigeen Beelaha walaalaha ee Colaadu ka dhex taagneed.