Falanqeynta Siyaasadda Soomaaliya maanta & Mustaqbalka Waa mowduuca dood furan oo ka qeyb galeen dhalinyaro iyo aqoonyahano oo maanta lagu qabtay Muqdisho.
Madasha wacyi(Wacyi Forum) ayaa waxaa Aas Aasay Idaacadaha Radiorisaala iyo Mustaqbal radio, waxaana maanta Marti ku ahaa Danjire Daahir Maxamuud Geelle Safiirkii hore ee Soomaaliya ee Sacuudiga sidoo kalena laba jeer soo noqday Wasiirka Warfaafinta.