Khasaare ka dhashay Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda

0
574

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay duleedka Magalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in lala eegtay Gaadiid ay la socdeen ciidamo Millateri ah oo ka baxay Muqdisho xilli ay marayeen Isbaarada Shabeelle oo u dhow degaanka Siinka-dheer.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa Miino uu qabsaday Gaari Cabdi bile ah oo ay wateen Ciidamada, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,hayeeshee aysan cadeyn karin tirade rasmiga ah ee ku waxyeeloobay.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa kadib uu dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray rag hubeysan iyo Ciidamada Dowladda ee qaraxa lala eegtay,hayeeshee aan la ogeyn baaxada dagaalka.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya oo gurmad ahaan ugu tegay ciidamada qaraxa lagu weeraray ayaa halkaasi ka sameeyay howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii qaraxaasi ka dambeeyay.

Deegaanka Siinka-dheer iyod eegaannada ku dhow dhow ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo Miino,kuwaas oo lala eegto Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM  ee wadadaasi ku safra waxaana qaraxyadaasi mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.