AFRICOM Oo Xaqiijisay In Askar Mareykan Ah Khasaaro Uu Ka Soo Gaaray Weerarkii Balli-Doogle

0
548

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in Askar Maraykan lagu dhaawacay weerarkii iyo qaraxyadii ay Dagaalamaayaasha Alshabaab Isniintii la soo dhaafay ku qaadeen Saldhiga Ciiddanka Cirkaee Balli-doogle ee Gobalka Sh/Hoose.

Hadalka AFRICOM waxa uu meeesha ka saaray war ay horey ugu sheegeen inuusan waxyeello soo gaarin Ciiddankooda ku sugan Saldhigga Balli-doogle ee tababarka siiya Ciiddanka DFS, isla markaana fuliya Hawlgalladda Sirdoonka

Dhinaca kale, Agaasimaha Hawlgalladda ee AFRICOM, Jeneral William Gyaler oo Qoraalkaasi ka soo saaray Xarunta Dhexe ee Taliska AFRICOM oo ku yaalla magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka waxa uu tilmaamay inay Dagaalamayaasha Alshaabaab khatar toos ah ku yihiin Maraykanka, Isbahasyigooda iyo Danaha Gobalka, waa sida uu hadalka u yiri.

Aroornimadii Isniintii la soo dhaafay ayey Dagaalamayaasha weerar ku bilowday qaraxyo la beegsadeen Saldhigga Balli-doogle oo qiyaastii 60 mayl u jirta magaalladda Muqdisho.