Magalada Muqdisho waxaa haatan ka socda shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo ay ka qeyb-galayaan Wakiilo ka socda Dowladaha taageera Soomaaliya iyo madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya,waxana hadallo kala duwan ka sheegay Xubnaha ka socda Beesha Caalamka.
Wakiil u hadlay Dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in ay Muhiim ay tahay xoojinta iyo la-dagaalanka Ururka Al-Shabaab oo ay horay u balan qaaday dowladda federaalka Soomaaliya,sidoo kale uu sheegay in qarixii shalay Muqdisho lagula eegtay Ciidamadooda uusan khasaare kasoo gaarin.
Wakiil u Hadlay Dowladda Faransiiska ayaa dhankiisa sheegay in caqabado kala kulmaan fulinta Balamaha ay la galeen Dowladda federaalka sida deganaansho Siyaasadeed oo ay sheegay in ay muhiim tahay.
Wakiilo u hadlay dowlaha UK iyo Germany ayaa uyana waxaa ay sigaar ah uga hadleen Ahmidda Amniga iyo dhisidda Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya si ay u hantaan Amniga,isla markaana ugala wareegaan Ciidamada AMISOM.
Wakiilka u hadlay Uk ayaa Su’aalo ka Keentay dhaqaalaha Al Shabaab ay helaan iyo Dhabayaasha lagu joojin karo dhaqaalahaas oo marar badan ay soo noq noqtay in ay Al-Shabaab mallaayiin dollar Bishii ka helaan Gudaha dalka Soomaaliya.