Saddex Madaxweyne oo soo maray dalka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

0
533

Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gurigiisa ku booqday Madaxweynihi hore ee dalka mudane Cali Mahdi Maxamed.

Waxa ay la yeesheen kulan looga hadlaayay Xaaladda dalka iyo xayiraadii dhawaan lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka socday kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Xaaladda Siyaasadeed ee dalka.