Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Waare & Amb. Donald Yamamoto?

0
522

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, iyagoo ka wada hadlay Arrimaha Amniga, Mashaariicda iyo Maalgashiga iyo u diyaar garowga Shirka Somali Partnership Forum oo horaanta bisha October ka furmaya Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa booqday Safaarada Mareykanka uu ku leeyahay Magalada Muqdisho, isaga oo halkaasi kula kulmay Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho Amb. Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa waxa ay labada dhinac uga wada hadleen Arrimo ay kamid ahaayeen Amniga, Mashaariicda iyo Maalgashiga iyo u diyaar garowga Shirka Somali Partnership Forum oo horaanta bisha October ka furmaya Muqdisho.

Safiirka Mareykanka Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto ayaa balan qaaday in Maamulka hir-Shabeelle uu kala Shaqeyn doono arrimaha Amniga iyo dardar-gelinta Mashaariicda iyo Maalgashiga laga sameynayo deegaannada Maamulkaas.

Kulanka Maanta Muqdisho ku dhex-maray Safiirka Mareykanka Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto  & Madaxweynaha hir-Shabeelle ayaa kusoo aadaya xili Safiirka uu isla Maanta la kulmay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed  (Cumar Filish).