Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan Kooxo hubeysan oo rasaas khasaaro dhimasho & dhaawac ah geysatay ku furay Gaadiid marayay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Gaariga la rasaaseeyay ayaa ka tegay Magalada Muqdisho,hayeeshee uu marayay inta u dhaxeysa deegaannada Godinlabe iyo Mareergur,waxana la sheegay in ay rasaaseeyeen rag hubeysan oo watay Gaari kale xilli ay kusii jeedeen Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Inta la xaqiijiyey weerarkaas ayaa waxaa ku geeriyooday laba qof oo kale ahaa Nin Kirishbooy ka ahaa Gaariga iyo haweeney rakaabka kamid aheyd taas oo dhaawac culus ugu geeriyootay Isbtitaalka Magalada Cadaado halka uu dhaawac soo gaaray Darawalkii Gaariga.
Goobjoogayaal ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in raggii ka dambeeyay rasaaseynta gaariga ay goobta ka baxsadeen,hayeeshee wararku ay sheegeen in Ciidamada Booliska Galmudug ay ku raad joogaan.
Waa Reerkii labaad oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo 24 Saac gudahood ka dhaca duleedka Cadaado,waxaana shalay deegaan lagu Magacaabo God dhurwaa oo u dhaxeeya Biyo Gaduud Iyo Dhabad ay maleeshiyaad hubeysnaa ku dileen laba Ruux oo Xoolo dhaqato ahaa.