Sawirro:-Banaanbax Looga Soo Hor Jeedo Xarigga Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Ka Dhacay Gedo

0
508

Boqolaal shacab ayaa maanta Banaanbax waxa ay ka dhigeen degmada Luuq ee gobolka Gedo waxaana uu ahaa mid looga soo hor jeediyay xarigga dowladdu ay u geysatay Wasiirka amniga Jubbaland.

Banaanbaxayasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah dowladda iyaga oo watay boorar ay ku qoran yihiin halku-dhigyo ay dowladda Federaalka uga dalbanayaan in si dhaqsa ah ay kusii deyso wasiirka amniga ee maamul goboleedka Jubbaland.

Waxa ay dalbanayeen banaanbaxayaashu in lasii daayo Wasiirka amniga Janan iyo iyo la fasaxo socdaalka dhinaca hawada ee ay xayiraadda ku soo rogtay dowladda fedraalka Somalia.