Qarax Goordhow ka dhacay Magalada Muqdisho

0
471

War hadda soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in goordhow agagaarka meel aan ka fogeen Isgoyska 14-ka Octoober ex Soobe ee Magalada Muqdisho uu ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Miino lagu dhejiyay Gaari nooca aan xabada Karin ee loo yaqaano Bilad Buruuf oo ay wateen sida la sheegay Saraakiil aan weli wax faah faahin ah laga bixin.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa xilligaan waxaa ay aheyd mid mashquul badan,waxaana la sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxa oo inta badan gaaray dad wadada isticmaalayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana la hakiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka, iyada oo Ciidamadu ay diideen isticmaalka wadada.