Ciidamadii Lagu Wareejiyay Amniga Xarunta G/Banaadir Oo Wada Baaritaano Culus

0
492

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo waxaa ay sheegayaan in Maanta amniga gudaha Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir si aad loo adkeeyay,kadib markii halkaas lagu wareejiyay Ciidamo Cusub oo aad u tababaran.Waxaa la sheegay in saakay Xarunta Gobolka Banaadir la geeyay Eeybo,kuwaasi oo baaritaano kala duwan ku sameeyay Xafiiyada Gobolka ee ku dhex yaalla Xarunta maamulka.

Shalay ayaa Xarunta waxaa lagu wareejiyay Ciidamo cusub oo loo yaqaano Ciidanka Birmadka ee ka tirsan Booliska Soomaaliyeed,waxaana isla  Maanta ay halkaas ka bilaabeen howlgal lagu baarayo gebi ahaan xarunta sida ay sheegeen ilo xog-ogayaal ah.

Sidoo kale Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa lagu wadaa in Xarunta dowladda Hoose ee Xamar kulankii todobaad lahaa ay ku yeeshaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Si kastaba Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxaa uu waday is bedelo dhanka amniga iyo sidii Mas’uuliyadda amniga Gobolka ula wareegi lahaa.