Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa ay gaareen Magalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika,halkaas oo la filayo in Maalinta berito ah inay uga qeyb-galaan shir halkaasi ka dhacaya.
Shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda ISA ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-geli doona Xubno ka socda qaar ka mid ah wadamada afrika, iyada oo inta badan shirkaasi looga hadli doono Arrimaha Dastuurka dalka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in shirka lagu gorfeyn doono arrimo ay ka mid yihiin Dastuurka iyo dimuqraadiyada,isla markaana lagu kala qaadanayo Khibrad wanaag iyo waaya’aragnimo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in inta ay ku sugan yihiin Koonfur Afrika ay la kulmi doonaan Madaxda Hay’addo kala duwan iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi koonfur Afrika.
Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa qeyb ka ah oo shirkaasi ka qeyb-galaya Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah xoghayaha Guddiga Dastuurka Baarlamaanka.