Kulan Muqdisho uga socda Madaxweynayeyaashii hore iyo Xildhibaano

0
506

Kulan ayaa hadda Magaalada Muqdisho uga socda Madaxweynayeyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaliya.

Kulankaan ayaa looga hadlaya Xayiraadii maanta lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kusii jeeday Kismaayo.

Waxaa kulankaan yimid ka dib markii uu soo dhammaaday kulan u socday Ergo ka socday dowladda oo raalin waday ay u tageen Shariif Sheekh Axmed.

Shariif ayaa dowladda ka dalbaday in ay caddeyso sababtii maanta looga celiyay Magaalada Kismaayo, waxaana hadda kulan u socdaa Kheyre iyo Wasiiradii u tagay Madaxweyne Shariif.