Kulan deg deg ah oo Kismaayo uga socda Mas’uuliyiinta Jubbaland

0
481

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in kulan deg deg ah uu Magaalada Kismaayo uga socdo Madaxweynaha Jubbaland iyo Golihiisa Wasiirada.

Kulankaan ayaa looga hadlaya Xayiraada dheeraad ah ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kusoo rogtay Garoonka Magaalada Kismaayo.

Wasiiro ka tirsan Jubbaland ayaa Risaala u xaqiijiyay in kulankaan sidoo kale looga hadlaya Safarkii maanta laga hor is taagay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.