Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddi dabagal

0
509

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u saaray dabagalka iyo hirgelinta fursadihii iyo ballanqaadyadii maalgashi ee ka dhashay Shirkii Gudaha Todobaadkaan lagu qabtay Magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada Puntland waxaa uu faray in Xubnaha guddiga loo fududeeyo howlaha Shaqo ee loo igmaday,si ay ugu guuleystaan hirgelinta balan qaadyadii ay sameeyeen intii lagu jiray Shirka

Shirkii Maalgahsiga Puntland ee dhawaan lagu qabtay Magalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb-galay shirkado caalami ah iyo kuwa ka howlgalla dalka,kuwaas oo balan qaaday in howlo maalgasho ah ka sameyn doonaan deegaannada Puntland.