Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda Gobolka Bakool

0
464

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan deegaano & degmooyin ka tirsan  Gobolka Bakool, halkaas oo ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Dad Xoolaley ah

Horjoogayaasha dadka Xoolaleyda ah ayaa waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay xoolo farabadan ka qaateen dad Xoolaley ah oo ku nool tuulooyin hoostaga degmada Xudur taas oo ay dadka Shacabka ah u dul qaadan waayeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan deegaanka yab-yab oo hoostaga degmada xuddur ee gobolka bakool iyo deegaano kale ,halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan howlgallo kale oo ay ku doonayaan inay Shabaab uga saaraan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool,isla markaana ay baadi goob ku hayaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab ee mararka qaar weerarada geysta.