Somaliland oo diiday warbixintii xuquuqda aadanaha Soomaaliya

0
484

Maamulka Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay warbixin uu xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya uu ka soo saaray khabiir madax banaan oo soo baaray.

Khabiirka ayaa meelaha uu ku xusay warbixintiisa ee uu sheegay in xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah ay ka dhacaan ayaa waxaa ka mid ahaa Somaliland.

Somaliland ayaa warbixintaasi ku tilmaantay mid lagu deg degay oo siyaasadaysan, waxayna diiday qaar ka mid ah waxyaabaha uu xusay khabiirka.

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Somaliland ayaa sheegay in aysan aqbali doonin Warbixinta, islamarkaana loogu gafay Somaliland.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay madax banaan tahay, islamarkaana ay diidan tahay in lagu lifaaqo Soomaaliya.