Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay howlaha dib u eegista Dastuurka

0
529

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta la kulmay Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, iyaga oo ka wada hadalay howlaha dib u eegista Dastuurka oo muhiim u ah geeddi socodka dib u dhiska Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa Wasiirka dastuurka ka codsaday in ay dardargaliyaan howlaha dib u egiista dastuurka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobey ay xoojin doonto taageerada ay siiso Guddiyada dastuurka iyo Wasaaradda.