Shaqa joojin lagu sameeyay Taliyeyaal Ciidan

0
588

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27aad ayaa waxaa ay shaqa  joojin KMG ah ku sameysay  kusimihii taliyaha Ciidamada qeybta Booliska Gobolka Hiiraan iyo kan Saldhiga Booliska Magalada Balaweyne.

Warqad kasoo baxday Xafiiska guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Dhame Maxamed Cabdulle Aadan ayaa waxaa lagu sheegay in Shaqa joojin lagu sameeyay kusihii taliyihii Ciidamada qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahadalle & Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Gaashaanle Cabdi Cumar Siyaad.

Sababaha Shaqa joojinta saraakiishaan ayaa waxaa lagu sheegay,kadib codsi hore oo ka yimid Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya,isla markaana looga dalbanayay inay Maxkamada horteeda yimaadaan.

Sidoo kale taliyaha Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle ayaa lagu amray in uu fuliyo Amarka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida,isla markaana Shaqada ay hayeen ay sii wadaan kuxigeenada taliyeyaasha Shaqada laga joojiyay.