Dowladda Masar oo Agab Ciidan ku wareejisay Soomaaliya

0
528

Qalabkan oo isugu jira dareeska Ciidanka iyo agabyo kale ayaa waxa uu taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka guddoomay safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya Ambasador Maxamed Ibraahim Nasri kadib kulan ay ku wada qaateen.

Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhigga Boolisku ku leeyahay gagida diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho kaas oo labada masuul uga wada hadleen sidii dowlada Masar ay usii xoojin laheyd taageerada ay siiso Ciidamada Booliska,waxaana kulankaa goob joog ahaa saraakiil labadadal kala matalaayey iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka.

Safiirka dalka Masar Ambasador Maxamed ibraahim Nasri ayaa faahfaahiyey qalabkaan Ciidan ee ay Booliska Soomaaliyeed ku taageereen sidoo kalana waxaa u sheegey in saraakiil Ciidan oo dalka Masar u dhashey in Ciidanka Booliska ay u soo direen kuwaas oo tababarada Ciidamada ka taageeri doona.

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Generaal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa uga mahad-celiyey dowladda Masar iyo safiirka qalabka Ciidan ee ay Booliska Soomaaliyeed ugu deeqeen iyo macaliminta tababarka Ciidamada ka taageeraaya intaba.