Sawirro:-Sidee Madaxweyne Farmaajo Loogu Soo Dhaweeyay Dhuusamareeb?

0
579

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug,iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Cali Xasan Shaakir, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Wasiirka Amniga XFS, Xildhibaano iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Madaxweyne Farmaajo oo uu safarka ku wehliyey madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Caawa soo xii doono shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dawlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale inta Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan yahay halkaas waxaa kulamo kala duwan ka qaadan doonaa Ergooyinka ka qeyb galayay Shirka,isagoo ka hadli doona cabashooyinka ay qabaan iyo arrimo kale oo quseysa Galmudug.

Ammaanka Guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana amniga sugaya Ciidamo farabadan oo qeyb ay ka yihiin Ciidanka Ilaalada gaarka Madaxweynaha ee Koofiyo Casta,Ciidanka Harmacad iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.