Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax Khasaare geystay lala eegtay Mas’uliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo marayay Agagaarka degaanka Shalanbood.
Kolonyada Qaraxa lala eegtay waxaa la socday Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax.
Inta la xaqiijiyay Saddex Askari ayaa ku dhintay Qaraxa, waxaana sidoo kale dhaawac kasoo gaaray Gudoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley ee Shabeellaha Hoose.
Qaraxa ayaa ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso, waxaana uu qabsaday Mid ka mid ah Kolonyada la socday Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.