Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka laabtay Go’aankii uu shalay kaga dhawaaqay Garoonka Magaalada Berbera, kaasoo ahaa in dowlada Imaaraadka Carabta laga joojiyay Saldhigii Berbera.
Madaxweyne Muuse Waxaa uu sheegay in Somaliland aysan marnaba ka bixin heshiiskii ay hore ula gaashay dowladda Imaaraadka Carabta, balse laga maarmi waayey in garoonkii Berbera loo isticmaalo shicib ahaan.
Waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay sii wadan doonto howlaha Saldhigga Magaalada Berbera.
“Garoon aan isleeyahay waa ka Afrika ugu weyn ayaa la dhisay, adduunkoo dhanna ciidamada iyo shicibku way wada isticmaalaan garoomada, markaa laga maarmi maayo in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan”. ayuu yiri Madaxweyne Biixi.
“Markaa lagama maarmaan ayey noqotay in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan iyo diyaaradaha madaniga ah oo uu noqdo garoon caalamiya (International airport), heshiiskii aynu la galnay ee 25-ka sanno ahaana waa sidiisii, wax iskama bedelin ee sidiisii ayuu u yaalaa”. ayuu yiri Mar kale Madaxweyne Muuse.