Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa Risaala u xaqiijiyay in taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed Odawaa Yuusuf Raage uu ka kaxeystay dhammaan Ilaaladii ilaalinaysay ee ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Xildhibaanada waxa ay sheegeen in ay xaalad halis ah hadda ay ku sugan yihiin, islamarkaana aysan kasoo bixin guryaha iyo Hoteelada ay ka degan yihiin Magaalada Muqdisho.
Senator Nuura Faarax oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa Risaala u sheegtay in Muddo todobaad ah ay waddeen dadaallo ay ku doonaayeen in Ciidanka Ilaaladda u ahaa dib loogu soo celiyo laakiin ay ku guuldareysteen.
Waxa ay sheegtay in falka Ilaaladda looga watay uu ka dambeeyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Odawaa Yuusuf Raage oo dhawaan la Magacaabay.
Tiradda Xildhibaanada Ilaaladda laga watay ayay sheegtay in inta badan yihiin Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.