Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud

0
544
444,0,4432,0,1354,96,1024,714,693,862,27140,1113

Wararka laga haleyo degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay duleedka degmadaasi uu ka dhacay dagaal sababay khasaaro isgu jira dhimsho iyo dhaawac.

Dagaalka oo u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka Ribadle oo hoostaga degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud,waxaana inta la xaqiijiyay dagaalkaas ku geeriyooday hal Ruux oo maleeshiyaadkad agaalamay ah halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

Dad ku sugan degmada Balanbale ayaa u sheegay Radio Risaala ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkaas uu aameyn ku yeeshay degmada,isla markaana dadku ay ka cabsi qabaan uu saameeyo dadka walaalaha ah eek u nool deegaano badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dagaalka ka dhacay deegaan duleedka ka ah degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu daba socdaaa dilal maalmihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano hoostaga degmooyinka Balanbale iyo Guriceel ee Gobolkaasi Galgaduud.