Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaaraya dhiggiisa dalka Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2022 wadamada qaaradda Afrika, waliba marxaladda koowaad, waxeyna heystaan natiijo fiican Xulkeena qaranka Soomaliya maadaama ay 1-0 kusoo adkaadeen kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay Dalka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Djabouti.
Soomaaliya waxey u aheyd markii ugu horreysay oo ay guul ka gaarto kulamada isreeb-reebka sida lagu daabacay bogga FIFA, 12-kulan oo ay ciyaaren kaliya guushii ay ku heleen bishaan wadanka Djabouti ayaa loo diwaan galiyay.
Kadib guushaas, bogga twitter-ka ay FIFA ugu talagashay in lagu buun-buuniyo wararka koobka Adduunka 2022 ayaa soo daabacayay dhiirigalin taabaneysa ciyaartooyda Soomaalida.