Warar hoose oo ay Heshay Radio Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in ujeedka Safarka Ra,iisul Wasaaraha Soomaaliya Ee Gobolka Bakool uu yahay Qaramayn Ciidamada Wadaadka Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur Oo Dawlada Soomaaliya ugu Xiran Magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan ayuu Doonayaa in ay Kamid Noqdaan Kuwa Xooga Dalaka Ra,iisul Wasaaraha Maadama ay Kaalin kaqaataan hadda Dagaalka Lagula jiro Al-shabaab.
Ciidamadaan ayaa Xogo hoose oo aan Helnay waxa ay sheegayaan in ay Sharuudo Kuxireen in Laqarameeyo oo ay Kubiiraan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.
Shuruudahaa oo Qaar Kamida ay heshay Radio Cadaado ayaa Waxaa Kamida:
1-In Laga Qayb Galiyo Hogaamiyaasha Ciidanka Saraakiisa ugu Saraysa Ciidamada KGS.
2-In Loodhamaystiro Qalab Dagaal Lana Siiyo Mushaar Joogta ah Bil Kasta .
Ra,iisul Wasaaraha ayaa aad Kaga Fiirsanaya Shuruudahaan isaga Oo og Cida ay Ciidamadaan Ka amarqaataan Oo ah Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu mansuur oo Dawalada Soomaaliya ay Kasooxirtay Magaalada Baydhabo.
Sikastaba Lama oga Hadii uu Ra,iisul Wasaaraha Fulin Doono Shuruudahaan Waxaa Lawada ogsoon yahay in uu Kuguulaystay in uu Qarameeyo Ciidamadii Ahlu-suna iyo maalieeshiyaadka Deegaanada Galudug Kusugnaa.