Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Godeey

0
516

Inta la xaqiijiyay Hal ruux ayaa geeriyooday hal kalena waa uu dhaawacmay kadib shil gaari oo Maanta ka dhacay  Magaalada Godeey oo ka tirsan Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Shilka ayaa yimid kadib markii Gaari Nooca Xamuulka qaado ah uu dul maray Mooto Bajaaj,waxaana halkaasi ku dhintay Darawalkii Mootada halka ay ku dhaawacantay Haweeney saarneyd,sida uu sheegay qof ku sugan goobta uu shilka ka dhacay.

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in Meydka Darawalkii Bajaajlaha iyo Gabadha dhaawacntay oo weli la garan la’yahay la geeyay Isbitaalka  Guud ee Magaalada Godeey.

Inta badan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka dhaca Shilla khasaaro geysta,waxaana dad badan ay u aaneynayaan wadooyinka qaar oo uu ka muuqdo burbur xoogan.