Sawiro:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xalay kormeer Amni sameeyay

0
509

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay howla kormeer ah ku sameeyay degmooyinka Shibis, Boondhere, Shangaani iyo Kaaraan.

Kormeerka ayaa  ujeedkiisu ahaa mid uu duqa magaalada Muqdisho ugu kuur galayay sida ay maamulada degmooyinka iyo saraakiisha amniga ee saldhigyada ay habeen ula falgalaan howlaha amniga Caasimadda.

Kormeerkaan uu guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ku sameeyay degmooyinka waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.