Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Dacwadda Badda ee ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Saciid Xasan Cabdullaahi oo ah Maareeyaha Dekeddaha Somaliland ayaa sheegay in Dacwadda Badda Somaliland aysan waxba ka khuseyn, islamarkaana ay ugu baaqayaan Kenya iyo Soomaaliya in ay xaliyaan Khilaafka ka dhex taagan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay leedahay Ciidan bad oo labadda dhinac nabadeedooda ka qeyb qaadan kara hadii loo baahdo.
Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2016-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.
Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.
Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.