Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug Caawa Waxaa ka socda Shir u dhaxeeeya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaanada kasoo jeeda degmada Cadaado.
Shirkaan ayaa looga hadlaayay sidii loo xalin lahaa tabashadda ay qabaan waxgaradka Magaalada Cadaado ee ku aadan Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.
Shirkaan ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, waxaana diiradda lagu saaraya sidii loo qancin lahaa Waxgaradka Cadaado ee sida weyn uga soo horjeedda Gogosha Dhuusamareeb.