Somaliland oo joojinaysa Khudaarta ka timaada meelaha ka baxsan degaanadeeda

0
583

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in markii ugu horeysay ay diyaarinayaan  qorshe lagu lagu joojinaayo khudaarta meelaha ka baxsan degaanada maamulka Somaliland ka timaada.

War kasoo baxay kulan laba geesooda oo udhaxeeyay xukuumada Somaliland iyo ganacsatada khudaarta Somaliland ayaa lagu shaaciyay qorshaha lagu joojinaayo Khudaarta ka timaaada degaanada ka baxsan maamulka Somaliland.

“Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka wasaarada horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed goobjoogna ku ahaayeen wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada Dr Sacad Cali Shire , xubno gudiya oo ka socday beeraleyda iyo ganacsatada khudaarta Wadanka gudihiisa kasoo go’da ,saraakiil ka kala tirsan wasaaradah Horumarinta Beeraha Iyo Maaliyada ayaa lagu gorfeeyay khudaarta dalka dibadiisa katimaada iyo dhibta ay ku hayso beeraleyda dalka dalegyada kala duwan ee ay beeran” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Somaliland.

Gudiga ganacsatada ayaa halkaasi ka sheegay in cashuurta laga qaado khudaarta dalka dibadiisa katimaada ka jabantahay ta laga qaado khudaarta beerahooda kasoo baxda.

Somaliland ayaa Khudaarta looga qaadaa meelo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.