Madaxweynaha KG oo Qaabilay Wafdi kasocday Hay’adda DRC

0
546

Wafdigan kasocday Hay’adda DRC iyo DDG oo ay hogaaminaysay mss Hiter oo ah Madaxa 9 Wadan oo Afirca ah u qaabilsan Hay’adda oo Somaliya kamid tahay ayaa Manta  Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay

Ujeedka Wafdigan baydhabo  gaaray ayaa ahayd sidii ay u xoojin lahayeen Shaqada ay ka wadaan Koonfur Galbeed Somaliya

Xarunta Aqalka Madaxtooyada kumeel gaarka  ah Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ee Baydhabo Waxaa Wafdiga kulan kula Qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ay wehliyaan Wasiirka Qorshaynta Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Kg Maxamuud Maxamed Kheyr

kulanka inta uu Socday Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Masuuliyiinta Hay:adda DRC Shaqada Wanaagsan ee ay ka qabteen Gobolada Baay Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Waxaana uu Madaxweynaha Dowlad Goboledka Goboleedka Koonfur Galbeed Uu ku Dhiiro geliyey inay sii laba jibaaran Shaqada ay ka wadaan Gobolada Koonfur Galbeed.

Madaxda ka socotay Hay’adda DRC ayaa Dhankooda sheegey inay wadaan Qorshe ay ku Doonayaan Inay kagasShaqeyan koonfur Galbeed taasi oo muhiimada Koowaad ay siinayaan sidii Dadka Barakacayaasha ah ay wax uga Qaban lahayeen.