Dowladda Kenya ayaa dalbatay in dib loo dhigo Dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya oo lagu waddo in ay furanto 9 Bishaan, waxaana dowladda Kenya ay Warqad u dirtay Maxkamadda ICJ.
Paul Kihara oo ah xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Kenya ayaa Warqad u diray Maxkamadda Caalamiga ee ICJ waxaana uu dalbaday in la hakiyo dhageysiga Dacwadda ilaa Amar dambe oo kasoo baxaya dowladda Kenya.
Waxaa uu ku sheegay sababtu ay tahay in dowladda Kenya ay dooneyso inay qorato koox cusub oo ah qareeno difaaca, sidaas darteedna ay u baahan tahay waqti dheeri ah.
Waxaa uu sheegay in 9 bishaan ilaa 13 aysan dowladda kenya aysan tagi karin Maxkamadda Duruufo kala duwan oo heysta owgeed.
Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2016-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.
Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.
Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.