Guddiga KMG ee diyaarinta sharciyada Doorashooynka oo gaaray Baydhabo

0
560

Guddiga Kumelgaarka ah ee diyaarinta sharciyada Doorashooynka Qaranka Soomaaliya ee dhawaan uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baydhabo, kaasi oo  hogaaminayey Goddoomiyaha Gudigaasi mudane Cabdullaahi Xaaji Abuukar.

Guddiga oo ay qeyb ka ahaayeen habdhooraha Golaha Shacabka iyo Xubno kale  ayaa waxaa si aad ah goroonka diyaarada ah ee magaalada Baydhabo ugu soo dhaweeyey qaar kamid ah Xidhibaannada Baarlamanka dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed, waxaana Xarunta Baarlamanka Koonfurgalbeed kulan ay kulaqaateen Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye Gudoomiyaha Golaha Shacabka  Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Guddiga Kumeelgaarka ah ee Diyaarinta Shuruucda Doorashooyinka Qaranka Cabdullaahi Xaaji Abuukar ayaa ugu horeyn sheegay in magaalada Baydhabo ay u soo gaareen sidii ay latashi kusaabsan  Diyaarinta Sharciyada Doorishooyinka Qaranka ula yeelan lahaayeen Xildhibaannada iyo qeybaha bulshada ku nool magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Baarlamanka Dawlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa si aad ah usoo dhaweeyey  wafdiga Guddiga, waxaana uu sheegay maalmaha ay joogaan  ay la shaqeyn doonaan si loo helo  sharci ay u mideysanyihiin Umadda Soomaaliyeed, kaas oo mustaqbalka lagu maamuli doono  doorishooyinka Qaranka.