Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir ayuu ka dhacay qarax loo adeegsaday mooto Bajaaj,waxana Hay’adaha Amniga Soomaaliya ay sheegeen in qaraxaasi uu ku geeriyooday Ninkii waday Mootada.
Majirto cid la sheegay in qaraxaasi lala eegtay,hayeeshee Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ay sheegeen in shaqsiga waday Mooto bajaajta uu ahaa mid mootada qarax uu ku waday,isla markaana uu ku qarxay.
Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo tegay halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in Mootada ay Ciidamada joojiyeen,balse uu diiday shaqsigii waday,sidaasina ay ku qaraxday.
Waxaa uu sheegay in mootada laga helay bac ay ku jireen Dharka tuutaha ciidanka ah,sidoo kalena ay baaritaan ku sameynayaan Taargada Mootada ay laheyd,waxana uu sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid lagu doonayay in Shacabka lagu dhibaateeyo sida uu hadalka u dhigay.
Waa qarixii labaad ee Maanta ka dhaca Magaalada Muqdisho,waxaana ay aheyd Barqanimadii Maanta markii qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Koontoroolka Ciidamada Dowladda ee Ex-Koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir