AMISOM oo sirasmi ah Maanta Ciidamada Dowladda ugu warejisay Amniga Warsheekh

0
553

Waxaa maanta Degmada Warsheekh  gaaray Wafdi uu hogaaminaayo Wasiir kuxigeenka Wasaarada Aminga Qaranka Mudane Cabdinaasir Saciid Muuse ahana Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya, Waxaana Wafdigaas kamid ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Somaliya, Taliyaha Ciidamada AMISOM Burundi ee ka howl gala Soomaaliya.

Wasiir ku Xigeenka Amniga Qaranka iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa ka qeybgalay Xaflad ay maanta Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Soomaaliya Ammanka Degmada Warshiikh ku kala Wareegayeen, Waxaa uuna Wasiirka Sheegay maanta in ay si buuxda ugala Wareegeen Ciidamada AMISOM ammanka Degmada Warshiikh, Sidoo kale Wasiirka ayaa Cadeeyay in Xiradaan ay AMISOM ku lahaayeen Warshiikh ay tahay tii Afaraad oo ay Ciidamada Soomaaliya la wareegaan, Waxaana Ammanka degmada Warshiikh lagu wareejiyay Ciidamada Booliska Hirshabeelle oo gacan buuxda ka helaya Dowlada Federalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle oo maanta ka hadlay Xafalada ayaa sheegay in Degmada Warshiikh loo tababari doono Ciidamo Boolis ah oo ka howl gali doono dhammaan Deegaanka Degmada Warshiikh.

Siihaya Xilka Gudoomiyaha Degmada Warshiikh Col. Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ayaa isna ku booriyay dhaliyarada Degmada Warshiikh in ay ka faa’iideystaan Fursadaha maanta ay heystaan kuna biiraan Tababarka dhawaan loo furi doono Ciidamada Booliska Hirshabeelle gaar ahaan kuwa Degmada Warshiikh.