Jubbaland oo ka hadashay xarig la sheegay in loo geystay Wasiirka Amniga Jubbaland

0
503

Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo ah wasiirka warfaafinta ee maamul goboleedka Jubbaland oo wareysi siiyay BBC-da ayaa ka hadlay Xarig maanta la sheegay in Magaalada Muqdisho loogu geystay Wasiirka Amniga ee maamulka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in Jubbaland aysan ogeyn xariga loo geystay Wasiir Janan, islamarkaana ay waddaan baaritaano ku saabsan hadii la xiray Wasiirka iyo hadii kale.

Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaliya ay ka suurtowdo in aysan ilaalin Xasaanadda Wasiirka, Maadaama uu sheegay in ay kusoo rogtay Cunaqabateyn sameysay garoonka Kismaayo.

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa la xaqiijiyay in lagu xiray Garoonka diyaaraddaha ee Magaalada Muqdisho.

Ilo ka tirsan Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Wasiirka lagu xiray Saldhig ku yaalla Gudaha Garoonka Muqdisho, islamarkaana la qabtay xilli uu Transit ku ahaa Garoonka Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa.

C/rashiid Janan ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

bishii April ee sanadkan ayaa Warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay ku burisay dacwada loo heystay iyo amarkii ka yaalay oo Maxkamadda ku wargelisay Laanta dambi baarista ee CID.