Dowladda oo wax ka qabaneysa dadka ku barakacay gudaha dalka

0
487

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay diyaarin doonto qorsheyaal loogu tala galay in wax looga qabto dhibatooyinka ay wajahayaan dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya.

Dowladda waxa ay sheegtay in Magaalada Muqdisho oo kaliyah ay kusoo barakaceen dad ka badan Lix boqol oo kun oo xilliggaan u baahan in dib loogu celiyo degaanada ay kasoo barakaceen.

Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayeyaasha iyo Qaxootiga Qaranka Aamino Saciid ayaa sheegay in Hay’adda ay ku howlan tahay sidii dadkaasi loo sii lahaa dhul iyo degaan ay kunoolaadaan hadii aysan dib ugu laabaneyn degaanadii ay ka yimaadeen.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xamsa Saciid Xamsa ayaa dhankiisa sheegay in dadka ugu badan ay kasoo barakaceen degaanada maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Wasiirka waxaa uu sheegay in dadkaasi ay u badan yihiin beeraley u baahan in dib loogu celiyo degaanada ay ka yimaadeen si ay dib ugu beertaan beerahooda.