Maxkamadeynta dad loo haysto dilkii Taliyihii Booliska G/Hiiraan oo bilaabatayMaxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay u fariisatay kiiska dilkii loo geystay taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane. Kormeylka ayaa lagu dilay 11kii Bishii June ee Sanadkaan deegaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan,kadib markii uu halkaasi ka dhacay dagaal ka dhashay xil ka qaadis uu madaxweynaha Hir-Shabbeelle ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan ee xilligaas Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) Maxkamada ayaa Dhageysatay sida ay wax u dhaceyn, Iyada oo Goobta Maxkamada lagu soo badnhigay rag ku eedeysay kiiska dilka ahaa ee Korneyl Maxamed Macow Xalane. Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabkaa sida qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay In Maxkamadda Manta xiran tahay,isla markaana fadhiga dib la isugu soo laaban doono.

0
568

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay u fariisatay kiiska dilkii loo geystay taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane.

Kormeylka ayaa lagu dilay 11kii Bishii June ee Sanadkaan deegaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan,kadib markii uu halkaasi ka dhacay dagaal ka dhashay xil ka qaadis uu madaxweynaha Hir-Shabbeelle ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan ee xilligaas Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Maxkamada ayaa Dhageysatay sida ay wax u dhaceyn, Iyada oo Goobta Maxkamada lagu soo badnhigay rag ku eedeysay kiiska dilka ahaa ee Korneyl Maxamed Macow Xalane.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabkaa sida qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay In Maxkamadda Manta xiran tahay,isla markaana fadhiga dib la isugu soo laaban doono.