Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay la kulmeen qaar ka mid ah urruradda bulshada rayidka soomaaliyeed.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii ay ururada bulshada rayidka ay guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ugu soo gudbin lahaayeen aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka.
Xubnihii ka socday ururada bulshada rayidka soomaaliyeed ayaa guddiga usoo bandhigay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka ee horyaalo Golaha shacabka.
Kulanka uu guddiga la yeeshay ururada bulshada Rayidka waxaa shir gudoominaayay gudoomiyaha guddiga xildhibaan Cabdullahi abuukar Xaaji (Eng.Carab).
Guddiga ayaa kaga mahadceliyay ururada bulshada rayidka sida wanaagsan ay usoo bandhigeen aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka.
Dhanka kale Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa la kulmay ururada dhalinyada gobalka banaadir ka jiro.
Kulanka ayaa ahaa sidii ay ururada dhalinyarada ay guddiga ugu biirin lahaa aragtiyadooda ku saabsan sharciga doorashooyinka Qaranka.